Madaxweynaha DFS oo shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey xaaladda Soomaaliya

January 31, 2016 - Written by Editor

IB0A8480Addis:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii ugu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida eek u aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa beesha caalamka oo gacan muuqata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidammada AMISOM ayaan si gaar ah u xusaya doorka ay ka qaateen taageerada Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu jira rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa, waxaa uu beesha caalamka kaga codsadey inay taageero ka geystaan sidii looga mira dhalin lahaa doorashooyinka sannadkan la filayo inay qabsoomaan, oo uu sheegay inay calaamad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusey inuu hubo in argagixisada falalka aadminimada ka baxsan ka fulinaya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah laga adkaan doono, dalalka gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay dagaalkaasi u midoobaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu madaxda Midowga Afrika uga warbixiyey qaraarkii shaley ka soo baxay Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Bariga Afrika eek u jira Taliska Ciidammada sida deg-degga u hawlgala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaas oo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Shirkaasi shaley dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu taageeray dadaalka Midowga Afrika ee xal u helista colaadda Burundi ka jirta iyo in dowladda magaalada Bujumbura lagu taageero sidii ay nabad iyo xasilooni dalka ugu soo dabbaali lahayd.

———— DHAMMAAAD—————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online