Madaxweynaha dowladda Puntand oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ay horkacayeen Raiisul wasaarayaashii hore ee DFS.[Masawiro]

January 4, 2016 - Written by Editor

IMG_1937Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 04-Jan-16 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Labo wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Labadan wafdi oo marti-qaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qaybgalka munaasabadda furitaanka Garoonka Caalamiha ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016 ayaa kasoo kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweyn kagadaal ku ammaanay imaatinkooda Puntland isagoona ku tilmaamay in ay yihiin shaqsiyaad ay soomaalinimadu kuweyntahay islamarkaasna ahaa muddooyinkii ay xilalka hayeena kuwo wax wanaagsan ka qabtay dalka soomaaliya.

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dawladdii Kumeel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul wasaarihii hore Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaga oo ku hadlaya magacyada wafdiyada ay kala hoggaaminayaan waxa ay uga mahadceliyeen soodhoweynta qiimaha leh ee ay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dawladdiisu u sameeyeen waxaana ay intaa raaciyeen in ay Puntland kuyimaadeen kadib markii ay martiqaad rasmi ah kaheleen Madaxweynaha Dawladda Puntland kaas oo ku saabsanaa furitaan Garoonka diyaarada ee Boosaaso.

Garoonka diyaaradaha ee boosaaso ayaa lafuri doonaa 8-Jan-2016 iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud ka kala imaan doonaa gudaha soomaaliyaa iyo caalamkaba kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin iyo maalgashadayaal.

Munaasabada Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa barbar socon doonta munaasabadda sannad guuradii 2aad ee Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online