Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

January 25, 2016 - Written by Editor

cabdikariin-xuseen-guuleedMuqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay Madaxweynaha Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaan ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdsho, Wasiiro ,Xildhibaan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho uu uga qayb gali doonaa Shirka wadatashiga Qaran ee madaxda soomaalida oo la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho. Madaxweyaa Gal-Mudug ayaa la filayaa isagana in uu kulamo la qaato xubno ka tirsan beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay waxaa soo gaaray Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaan (Axmed Madoobe) iyagoo la kulmay xubno ka tirsan beesha caalamka oo iyaga u kala dab qaadaya madxda Soomaalida ka dib markii ay ku hishiin waayeey shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Shirka wadatashga Qaran ee madaxda Soomaaliya ee ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa la garanaynin ilaa hadda wax ay ku hishiin doonaa madaxda Soomaalida ee hadda jira oo weli ay ka dhex taagan tahay is qabqabsi iyo aragtiyo kala duwanaansho ku saabsan qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya marka la gaaro bisha Augasto 2016.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online