Madaxweynaha Gal-Mudug ”Madaxda DFS ayaa lahaa go’aankii ka soo baxay shirkii Muqdisho”[Dhageyso]
January 30, 2016 - Written by EditorCadaado:-Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta galinkii dambe dib ugu Laabtay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Gal-Mudug waxaana uu faahfaahin ka bixiyey Shirkii wadatshiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in marrkii ay heshiin waayeen Madaxda Soomaalidu ay beesha Caalamka saartay Cadaadis .
Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen ayaa sheegay in uu ku guuldareystay in uu rabitaanka shacab kiisa uu ku qanciyo Madaxdii Soomaalida ka dibna aysan jirin maamul wax uu rabay la go’aamiyey sidaas darteedna lagu qasban yahay in la raaco go’aanka DFS iyo beesha caalamku ay taageereen.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu Madaxweynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ku qabtay Cadaado.
A/Cawale
Halgan.net