Madaxweynaha: “Ugaas Khaliif waxaa uu ahaa nin naftiisa u huray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta’’
January 3, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Ilaahay uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan uu ahaa shakhsi dadaal badan ku bixiyey inuu bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed u adeego.
—DHAMMAAD—