Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay! Sh Maxamed Idirs

January 29, 2016 - Written by Editor

shidirsWaxaa baraha xiriirka bulshada ilaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!! Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqan kooda, sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa.?

Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay ? Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan,

Culimada qaarna wexey qabaan hadii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo hadii kalena dembi weyn tahay. Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur..

W/Q Sh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online