Qalinkaaga ma Scan -Gareysay intaanad Isticmaalin W/Q Dr.C/Qani Badar

January 6, 2016 - Written by Editor

Dr.CQani BadarU hiilinta danta ummadda iyo diintu waa xil iyo masuuliyad qof walba saran. Sidoo kale waa wax cid waliba sheegato inay iyadu tahay cidda xilkaas leh tahay!

Fircoon Ilaahay wuxuu ku asteeyey inuu ahaa mufsid waynaaday, oo ku dhaqmi jiray mabda’ siyaasadeedka la yidhaahdo qaybi oo xukum (Divide and Rule)
{إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَائِفَةً مِنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ} القصص: 4
Dhinaca kale Fircoon wuxuu ku dooday inuu u taagan yahay ilaalinta danta dalka, bulshada iyo weliba waardiyeynta diinta !!, markaasuu Nebi Muuse-na ku eedeeyey inuu diintana doonayo inuu bedelo dhulkana fasahaadiyo, sidaa awgeeda uu dili doono !!
{قَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِي أَقْتُلْ مُوسَى وَلْيَدْعُ رَبَّهُ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَنْ يُظْهِرَ فِي الأَرْضِ الْفَسَادَ} غافر: 26

Sidoo kale, Abuu Jahal kii Alle koodnimadu ka tan badisay ee Nebi Muxamed (N.N.K.H) inoo sheegay inuu Fircoonkii Ummaddan yahay, isaga iyo kooxdiisii intay kacbada is hortaageen maalintay dagaalkii Beder u anba baxayeen ayey ku tiraabeen “Ilaahayow Anaga iyo Muxamed kaayaga diinta baadilka ah ku socda ee qaraabo goyska ah halaag oo xadhiga u jar”, markaasuu Allaah ducadii ka aqbalay oo ku ciqaabay dagaalkii Beder, ka dibna lagu yidhi : Fatxi iyo waxaad ku ducaysaneyseen waa laydiin aqbalay, oo laydiin caddeeyey”, weliba hadaad edeb daradaas ku noqotaanna waa laydiin miisayaa mar kale, Allaahna wuxuu la jiraa Muuminiinta.

{إن تستفتحوا فقد جاءكم الفتح وإن تنتهوا فهو خير لكم وإن تعودوا نعد ولن تغني عنكم فئتكم شيئا ولو كثرت وأن الله مع المؤمنين } الانفال: 19.

Sunnada Kawkan ayuu Allaah ka dhigay mid aanay is haynta iyo loolanku ka dhammaanin, loolankaasina waa mid u dhexeeya inta toosan iyo xumawadayaal iyagu is biday inay wanaag sidayaal yihiin.
Maanta quwadaha aduunka hormoodka u ahi, waxay ku shaqeeyaan siyaasad ka liidata tii Fircoon ku dhaqmi jirey ee ahayd divide and rule, waxa ay ku shaqaynayaan qaybi oo burburi (Divide and Destroy), waxa ka daran is garabsiga aan xadka lahayn ee marba miskiin laysu garabsanayo ilaa laga ciijiyo.

Iyadoo waxaasi jiraan haddana Allah aduunkan wuxuu ku cayminayaa inta wanaagsan ee wanaagga u taagan oo ah samo wadayaasha culimadu ugu horeeyaan ee xumaha reebaya Allaah na u istiqfaarsanaysa:
{فلولا كان من القرون من قبلكم أولو بقية ينهون عن الفساد في الأرض إلا قليلا ممن أنجينا منهم واتبع الذين ظلموا ما أترفوا فيه وكانوا مجرمين } هود:: 116
{وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنْتَ فِيهِمْ وَمَا كَانَ اللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ} الانفال: 33

Nasiib daro dagaalkani wuxuu hawlgeliyey dad badan oo lagu tiriyo dadka wanaagsan haddana dadaalkooda iyo qalinkooda aad arkayso inay duminayaan tiirkii ugu adkaa ee ay ummaddan islaamku dugsanaysay oo ah kuwii dhaxlay manhajkii Nebiyada, una taagnaa islaaxinta iyo korjoogaynta diinta Islaamka.
Ma idin la tahay inaynu qalinkeena Scan gareyno oo hubino inuu fariimo virus ah sido oo dhaawici kara samo wadayaasha, – waa culimadae- iyo diinteena iyo in kale?.

W/Q Dr.C/Qani Badar
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online