Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo wafdi beesha caalamka ah oo la filayo in ay soo gaaraan Boosaaso
January 29, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la filayaa in ay maanta soo gaaraan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si ay wada xaajood ula furaan madaxda Puntland oo ka horyimid go’aanii ka soo baxay shira wada tashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelin doono wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo qayb ku lahaa shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee taageeray aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka loo soo xulayo xubnaha ka mid noqon doona golaha baarlamaanka bisha Augsta ka dib 2016.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay doonayaan in xal laga gaaro nidaamka 4.5 ee ay Puntland diidan tahay in lagu soo xulo aqal hoose ee Golaha baarlamaanka ee la dhisi doono.
Socdaalka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ku soo beegmay xili shaay ayb magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankii beesha caalamka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen shirka wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net