Ra’iisul wasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Danjire Cabdillahi Siciid Cismaan
January 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasiciyo.
“Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cismaan oo Soomaaliya ka soo noqday danjirii ugu horreyay ee Xarunta Qaramada Midoobay u fadhiyay Geneva, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
- 1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York
- 1976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva.
- 1970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato)
- 1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada.
- 1966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.
——- DHAMAAD——–