Ra’iisul wasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Danjire Cabdillahi Siciid Cismaan

January 28, 2016 - Written by Editor

ambasador-siciidMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasiciyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in Danjire C/laahi uu ahaa muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana muddooyin kala duwan xilal ka soo qabtay Soomaaliya, isagoo ALLE uga baryey in Naxariistiisa JANNO uu ka waraabiyo marxuumka,

“Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cismaan oo Soomaaliya ka soo noqday danjirii ugu horreyay ee Xarunta Qaramada Midoobay u fadhiyay Geneva, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

  1. 1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York
  2. 1976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva.
  3. 1970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato)
  4. 1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada.
  5. 1966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.

 

——- DHAMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online