Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS C/weli Sheekh Axmed oo booqday Jaamacadda Bariga Afrika.[Masawiro]

January 10, 2016 - Written by Editor

17-768x432Boosaaso:-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyeen Xildhibaan Cabdibare yuusuf Jibriil,Siyaasi Dr.Cabdiraxaman Baadiyow iyo Siyaasiyiin kale,ayaa booqasho ku tagay Jaamacada Bariga Afrika xarunteeda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali,Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Maxamed Maxamuud Ciise,Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada,ayaa Cabdiweli Sheekh iyo Wafdigiisa kuso dhoweeyay jaamacadda Bariga Afrika.

Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Wafdigiisa tusay qaybaha ay ka kooban tahay Jaamacadu,waxaana booqashadoodu ay kuso beegantay xilli ay Ardayda Jaamacadu ku jireen Imtixaamka 1-aad ee sanad Jaamacadeedka 2015/2016.

Wafdiga ayaa indhaindheeyay Fasalada Jaamacadda,waxayna qiimayn ku sameeyen Imtixaanka laga qaaday Ardayda iyaga oo aad ula dhacay hannaanka Waxbarasho ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Maamulka Jaamacadda ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Wafdigiisa uga Xog waramay Jaamacada Bariga Afrika iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, waxayna sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin Mas’uuliyiinta soo booqday Jaamacadda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa Maamulka,macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika uga mahad celiyay sida qiimaha badan ee ay uso dhoweeyen,wuxuuna xusay in tayada Waxbarasho ee Jaamacaddu ay aad u sarayso.

Shalay ayay ahayd markii Madaweynaha Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud,Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali ”Gaas”,Madaxweyne ku xigeenka Injineer Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumay ”Camay” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawlada Federaalka iyo Puntland ay booqasho ku tageen Jaamacadda Bariga Afrika. Si kastaba ha ahate,Jaamacadda Bariga Afrika oo ah Hooyada Waxbarashada ayaa hormuud u ah Jaamacadaha ku yaala Gobolada Puntland.

Sourc: eastafricauniversity.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online