Safiirka Imaaraadka Carabta oo casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa.[Masawiro]

January 24, 2016 - Written by Editor

IMG_0529Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisii ayaa caawa 24-Jan-2016 kulan casho ah oo uu u sameeyey safiir Imaaraad Carabta  u fadhiya soomaaliya kaga qayb galay xarunta Safaaradda waddanka isugga imaaraadka carabta ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ku ammaanay madaxweynaha Dawladda Puntland isbedellada horumarineed iyo nabad gelyo ee uu ka hirgeliyey Puntland mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha  Puntland ee xawliga ku soconaya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Safiirka casho sharafta uu u sameyey, isagoona ku  ammaanay  Safiirka Imaaraadka sida ay dawladdiisu u garab taagan tahay guud ahaan soomaaliya gaar ahaana Puntland oo ay ka caawiso ladagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariic kale.

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online