Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya oo Ka furmay magaalada Muqdisho.[Masawiro]

January 25, 2016 - Written by Editor

kismaayoMuqdisho:- Waxaa ka furmay magaalada Muqdisho shirka wada tashi ah oo looga arrinsanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici kara, waxaana ku sugan magaalada Muqdisho dhamaan madaxada maamul gobaleedyada dalka. Shirka wadatashiga madaxada Soomaaliya ayaa waxaa furay madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo maanta duhurkii soo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo ka soo qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga ka dhaxeeya Caalamka ee dhinaca la dagaalanka Argagixisada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay labada cisho ee soo socota kulamo ku yeelan doonaan si ay u ansaxiyaan isiguna raacaan go’aan wada jir ah oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta bisha 8aad 2016 ka. Beesha Caalamka ayaa waxaa ay caadis ku saareysaa madaxada soomaaliyeed in ay hal go,aan isku raacaan waxaana ay u badan tahay in aqalka hoose la isla qaato 4.5 halka aqalka sare lagu xuli doono deegaan .

Ilaa hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxada sare ee Dowlada federaalka Soomaaliya  iyo madaxweynayaasha maamul gobaleedyada oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online