Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Kismaayo oo lagu kala tegay
January 15, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ka imaanaya caawa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in caawa wax horumar ah aysan wada gaarin madaxda Soomaalida ee shirka uga socday Kismaayo ayna kulamadoodu ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan.
Wararka ayaa sheegay in Madaxdu ay isku mari waayeen qaabka ay noqonayso doorashada 2016 iyo qaaba lagu soo xulayo xildhbaanda labada aqal ee kan sare iyo kan hoose, Madaxda ayaa wax tanaasul ah ka samayn aragtiyadooda waxaan ay weli kaa qabaan in xildhiabaanada lagu soo xulo 4.5 iyo qaab deegaan.
Madaxda Soomaalida ayaaa waxaa ay kala qabeen ilaa 3 aragtid oo kala ah:-
1. In Xildhaabnada labada aqal lagu soo xulo 4.5
2. In Xildhaabnada labada aqal lagu soo xulo deegaan
3. In Xilka loo kordhiyo madaxda doqladda Federaalka Soomaaliya mudo 2 sano ah.
Madaxda ayaa Is jiid jiid ka dib ayaa waxaa la isla soo gaaray in shirka Kismaayo la soo xiro loona balamo shirar kale oo ka dhici doonaa gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ayaa laga yaabaa in maalinta beri ah ay soo saaraan wax uun ay ku sheegeen warmurtiyaad aan wax micno ah aan ku fadhin taas oo ay ku doonayaan in ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed haddii aysan ilaa beri wax aysan ku hishiin.
A/cawaale
Halgan.net