Wareysi C/Weli Gaas: Puntland Ma Aqbalin 4.5.[Dhagayso]
January 20, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa waraysi uu VOA siiyey ku beneiyey inuu burburay shirki dhowaan lagu yeeshay magaalada Kismaayo. Gaas waxa uu sheegay in wadahadalladu ay sii soconayaan inkastoo aan heshiis kama-dam bays ah la gaadhin. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin warar sheegaya in Puntland ay ogolaatay in aqalka hoose ee baarlamanka lagu soo dhiso habka 4.5. Waraysiga gaarka ah, ayuu madaxweyne Gaas siiyey weriyahayaga Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac.
Hoos ka Dhagayso wareysiga idaacadda VOA ay la yeelatay Madaxweyne C/weli Gaas
Source:VOA