Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraadka.[Masawiro]
January 3, 2016 - Written by EditorWasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaataySafiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkeena Soomaaliya Amb. Mohamed Cusmaan, waxana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale taageerada ay dowladda Imaaraadka Carabtu siinayaan Ciidamada Dawladda Soomaaliya.
Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in Danjire Mohamed Cusmaan ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku ay balan-qaaday sii xoojinta tababarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad celin u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Safiirka taageeradooda ku aaddan Ciidanka Xoogga dalka, wuxuna dhinaca kale sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dalka.
no images were found
“Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wada-hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalka”. ayuu yiri Gen Maxamed Aaden.
Sidoo kale Safiirka Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba.
—DHAMMAAD—