Zaylaci Academy oo gaaray horumar la taaban karo Hambalyo (Daawo Xaflada Qalinjabinta )
January 18, 2016 - Written by EditorWaxaa Markii ay taariikhdu ahayd 27.12.2015 ka dhacday magaaladda Copenhagen ee xarunta dalka Danmark Xaflad lagu maamuusayey ardaydii dhamaysay Iskoolka Zaylaci Academy.Zaylaci academy waa academy loogu talagalay inay dhalinyarada qurbaha joogaa ku bartaan cilmiga sharciga ee diinta. Waxay leedahay duruus ka baxdo internetka nooc online ah, iyo duruus iyo iskool toos u baxa wakhtiyada fasaxyada layahay sanad iskoolaadka wadamada yurub.
Waxaa shalay ka Qalan Jabisay Zaylaci Academy iskoolka labada sano dufcadii ugu horaysay. Ardaydu laga bilaabo 23.12.2015 ilaa 27.12.2015 waxay u fadhiyeen imtaxaamo lagaga qaadayey maadooyinkii ay soo baranayeen ilaa 2013kii.
Ardaydu waxay imtaxaanka ku gashay maadooyin badan oo u kala qaybsama 8 fanni. Funuuntaas oo kala ah, Caqiidah, Xadiith, Fiqh, Qawaacid al fiqh, Usuul al fiqh, Naxwe, sarfi iyo Baxthi gooni ah oo arday kastaa lagu imtaxaamayey. (Maadooyinka ay Buxuuthta ka qoreen hoos ka fiiri).
Waxaa intay imtaxaamada iskoolka labada sano socdeen garab socday Dawro lagu daraasaynayey culuum kala duwan oo ay soo jeedinayeen Culimo kala duwan Sida Dr. Cali Saalax, Sheekh Casoowe iyo Dr. Cabdiwali. Waxaana ka soo qaybgalay dawrada Arday fara badan oo isugu jira gabdho iyo wiilalba..
no images were found
Allah mahadii ardaydoo dhan imtaxaamadoodii way ku baaseen, waxaana xaflad loogu qabtay Masjidka wayn ee Muslimiintu ku leedahay Copenhagen ee la dhaho Hamad Bin Khalifa Civilisation Center.
Hoos ka Daawo Xaflada Qalinjabinta ee Machadka Zaylaci academy
Maamulka Machadka Zaylaci academy
Denmark