Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb
July 9, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug ayaa saaka tegay Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.
Ciidamadaan ayaa waxaa yihiin kuwa Madaxtooyada Jubbaland ka tirsan waan kuwa si gaar ah u tababaran, Ciidamadaan ayaa waxaa ay hordhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha jubbaland oo saacadaha soo socda gaari doona magaalda Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
Ciidamadaan ilaalada gaa ah ee madaxweynah Jubbaland ayaa waxaa ka soo horeeyey ciidamada ka yimid magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Puntland iyagoo soo maray dhulka waxaan ay hadda ku sugan yihiin goobo loo asteeyey.
no images were found
A/cawale
Halgan.net