Golaha Aqalka-sare oo bogaadiyey Shirka wadatashiga ee dowlad goboleedyada ee lagu qabtay Dhuusamareeb.
July 13, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka DFS , Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga madaxdda dowlad goboleedyada dalka ee xalay lagu soo afmeeray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Caasimada Galmudug.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka DFS Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa lagu sheegay in go’aamada ka soo baxay shirkaasi ay yihiin kuwa taarriikhi ah guulna u ah umada Soomaaliyeed loogana gudbi karo khilaafka ka dhex jira DFS iyo Mucaaradka .
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka DFS , Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa loogu mahadceliyey Madaxda Galmudug iyo shacabkeeda oo Shirka wadatashiga madaxdda dowlad goboleedyada marti galiyey .
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka DFS Cabdi Xaashi Cabdullahi .
no images were found
A/Cawale
Halgan.net