Golaha Wakiilada Dawladda PL oo ansixiyey Xisaab-xirka 2019
July 2, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2019 ee ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaa shir-guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga Golaha waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad.
Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka, 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland