Gudoomiyaha Baarlaanka DFS oo ka horyimid Shirka Dhuusamareeb

July 15, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta ka furmay xarunta Golaha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Kulankii 16aad Kalfadhiga 7aad, waxaan looga dooday wax ka bedelka wax ka badalka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Kulanka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa. Waxaan shir Gudoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Dowaladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh.Ibraahim Muudeey, waxaa kulanka yimid 142 Xildhibaan.

Golaha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ay ka doodeen guddiga arrimaha gudaha , Maamulada Gobolada iyo weliba amniga,

Gudoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan ayaa hadal uu ka jeediyey xarunta Shacabka waxaa uu ka soo horjeestay shiraka wada tashiga maamul gobolleedyada uga socda magaalada Dhuusanareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug waxaan uu sheegay in aysan xaq u lahayn in go’aan ka gaaraan doorashada dalka ka dhacaysa isagoona ku dooday in golaha shacabka ay xaq u leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federeaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa ku dooday in uu jiro sharci doorashooyinka ah oo ay ansixiyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uuna Madaxweynuhu ansxiyey loona baahan yahay in la dhowro.

no images were found

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online