Gudoomiyaha Golaha Wakiilada PL oo shir gudoomiyey Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

July 22, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online