Madaxweynah GalMudug oo dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb.[Masawiro]

July 17, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dib markii uu magaalada Garoowe uu uga qeyb-galay aaska Ra-isul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug iyo xubno ka tirsan l 2 gole ee maamulka Gal-Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa intii uusan ka soo bixin magaalada Garoowe waxaa uu xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah bulshada reer Garoowe waxaan kulan ka soo qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan ka tirsan, Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa intii u ku sugnaa Hotel Mansuur waxaa kulan saalan ah uu dhexmaray madaxweynaha Putland Siciid Abdullaahi Denii iyo qaar ka mid ah golahiis xukuumada.

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug ayaa waxaa ka furi doona shirka wadatshiga wajigiisa labaad una furmi doona Madaxda maamul gobolledyada dalka iyo Madaxda dowladda Federaalka Somaaliya waxaan la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb madaxweynah dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu haoagaaminayo.

no images were found

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online