Madaxweynaha Gal-Mudug oo lagu soo dhaweeyey Degmada Balanbal.[Video]
July 2, 2020 - Written by EditorMadaxweynaha Galmudug oo hadda soo gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha waxa socdaalkan ku wehlinayey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo qaar kamid ah gollaha wasiiradda.
Madaxweyne oo garoonka kubadda cagta kula hadlay dadweyne isu soo baxay ayaa sheegay in degmada Balanbal lagu qabano gogol dib-u-heshiisiineed ee beelaha degga Galmudug.
no images were found
Dhinac kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu fadhiga ku wehlinayey madaxweyne xigeenka Cali Ciid ayaa shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada oo caawa ka dhacay degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.
Kulankaan ayaa warbixin looga dhageystay wasiirada wasiiradaha Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, iyo Amniga Gudaha GM.
Halgan.net