Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtay Kismaayo[Video]

July 24, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qaybgashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Doorashada oo xiligeeda ku dhacda ay wax badan ka tarayso geedi socodka Siyaasada iyo hormarka dalkeena isagoo xusay in mudo kororsi ama xiliga Doorashada oo dib loo dhigo ay ka dhalanayso caqabado aan xalkoodu sahlanayn.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in si qoto dheer looga wada hadlay khilaafka ka dhexjiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland isla markana la is tusayo in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo sidoo kale in la dhamayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo dadka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in howshaas ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online