Madaxweynaha PL oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirada.[Masawiro]

July 2, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo: 02 Luulyo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo ku qabsoomay Aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee (Zoom).

Shirka Golaha Wasiirada waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha.

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay Wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland waxay Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay Imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020. Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad.

Imtixaanaadka oo lagu qaban doono 132 goobood oo ku yaalla deegaanada Puntland, waxaa dhinac socda taxadar ku saabsan cudurka covid-19, iyadoo la diyaariyey in ardeydu ay helaan qalabka ka hortaga covid-19 , dareeraha jeermiska dila iyo in lala socdo heerka xumadooda.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda caafimaad ee xoolaha Puntland, qorshayaasha guuleystay ee lagu talaalay xoolaha iyo in la diyaariyey gaadiid daawooyinka xoolaha ugu geeyo dhulka fogfog si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay shirarka nabadeynta ee ka socda Galdogob iyo Cawsane-Sanaag, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay Wasaaraddu Golaha la wadaagtay in uu bilowmayo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee (JPLG).

Ugu danbeyn Goluhu wuxuu bogaadiyey sida ay u socoto howsha dayactirka wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe oo hadda la dhisay 4-tii KM ee ugu horeysay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hore u balan qaaday in Dowladdu dayactirayso wadooyinka ku burburay roobabkii sanadka ka da’ay Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAN D

Comments are closed.

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online