Madaxweynayaasha Jubbaland Gal-Mudug Gudoomiyaha Aqalka sare oo soo gaaray Garoowe

July 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha Gen.Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa uu kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaash, waxay ka qayb-gelidoonaan Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

no images were found

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Dhinac kale waxaa sidoo kale la filayaa in maalinta beri ah uu soo gaaro magaalada Garoowe Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre si uu uga qayb galo aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax oo ahaa siyaasi caan ka ah Soomaaliya jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladdii hore ee Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online