Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Xassan Abshir

July 12, 2020 - Written by Editor

Muqdisho, Luuliyo 12, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan, mideysan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir waxa uu baal dahab ah kaga jiraa sooyaalka dalkeenna, isaga oo soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Carta, Duqii hore ee Caasimadda, Danjire soo matalay dalka iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta dalka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xasan Abshir oo aan ku xasuusan doonno doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online