Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Dhuusmaareeb
July 18, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdulaahi FarmaajoXassan iyo wafdi uu hogaaminayo ka tirsan golah xukumada , Xildhibaano ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu safar ku yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Gal-Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdulaahi Farmaajo ayaa ku soo beegmay ka dib casumaad ay u fidiyeen Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka oo shir wadatshi uu ugu soo gabagaboobay magalada Dhusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa laga codsaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in ay ka soo qayb galaan shirk wada tashihga wajigiisa labaad oo ka dhici doona Dhuusamareeb laguna gorfayn doono nooca doorasho oo la doonayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdulaahi Farmaajo iyo Ra;iisul wasaarihiisa ayaa aqbalay in ay ka soo qayb galeen Shirka wadatashiga wajigiisa laabaad oo ka furmi doona magalaada Dhusamareeb maalmaha soo socda, dadaalo dhowr ah iyo casumaadyo ay fidiyeen Madaxda dowladda Federaalka oo ay ku doonayeen in ay la kulmaann Madaxada maamul gobolledyada ayaa fashilmay
A/cawaale
Halgan.net