Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada oo ka Furmay Dhuusamareeb
July 11, 2020 - Written by EditorWaxaa goordhoweyd ka furmay magaalada Dhuusamareeb shir ay lee yihiin madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada dalka.
Madasha shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa shirka furay wuxuuna sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay in isfaham ay madaxda dowlad-gobleedyadu iyo madaxada DFS wuxuuna carabka ku adkeeyey in Soomaaliya laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha Puntland Siciid Claahi Deni oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonto talo muhiim u ah oo dan u ah umada Soomaaliyeed si loo helo doorashooyinka xiligeeda la qabto
Hoos ka daawo Dhamaan Khudbadihii laga jeediyey Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada
M_M Deeq
Halgan.net