Shirkii wadatashiga dowladdaha xubnaha ka ah DFS oo warmirtiyeed laga soo saaray.[Video]

July 12, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.

Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay

1.In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

2.In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3.Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4.Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shirwada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5.Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

====DHAMAAD====

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online