Taliska Ciidanka Gobolka Mudug oo faah faahin ka bixiyey is rasaasayn ka dhacday caawa Gaalkacyo
July 10, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaray caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in magaalada Gaalakacyo ay ciidanka amnigu ka bilaabeen howlgal lagu sugayo amaanka balse nasiib daro xili ay marayeen ciidamo Roondo ah meel u dhexeysa xaafada garsoor iyo agagaarka Saliga Warshad Galay ayaa koox hubaysan oo khamriga ka shaqaysta waxaa ay rasaas huwiyeen ciidan oo markaas ku sugnaa meel u dhexeysa Aaga Cagaar weyne iyo Garsoor.
Ciidanka aminga magaalada Gaalkacayo ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey kooxda soo weerartay iyagoona iska difaacay waxaan halkaas is rasaasayntii ku dhintay 2 ka mid ah kooxda weerarka la beegsatay ciidanka.
Ciidanka amniga magaalada Gaalkacyo ayaa howl galka waxaa ay ku soo qabteen Khamri aad u badan oo ku jira Jawaano iyo Kartoono waxaan ay gabi haan la wareegen goob ay Kooxdaan ka ganacsada Khamriga ay ku keydsan jireen Khamriga iyo maandooriyaal kale.
Howl galka ay ciidanka amniga Gaalkacyo ay sameeyen caawa kama soo gaari wax khasaaro ah waxaan ay saraakiisha ciidanku ay balan qadeen in ay la dagaalami doonaa kooxaha ka ganacsada Khamriga iyo Maandooriyaasha oo dhib badan ku haye magaalada Gaalkacyo bilihii u danbeeyey.
Ugu danbayntii ayaa Taliska Qebta Gobolka Mudug waxaa uu diginin u diray cid walba oo ka ganacsata khamriga iyo Maandoriyaasha iyo weliba cid walba oo arrinkaas gacan ku siisa in ay talaabo adag ka qadi doonaan.
M_M_Deeq
Halgan.net