Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo
October 2, 2020 - Written by EditorKismaayo:- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta ah dib ugu soo laabtay Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdi ka socda Jubaland ayaa in mudo ah waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyagoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxaan kulamadaas inta badan ay ku saabsanaayeen hirgalinta hanaanka Doorashada dalka Soomaaliya 2020/21 iyo qaabka ay noqonayso oo markii danbe laga gaaray is afgarad buuxa.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xassan ee magaalada Kismaayo 2-da Madaxweyne ku xigeen ee jubbaland , Gudoonka Baarlamaanka jubbaland iyo masuuliyiin kala duwan.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda waxaa la filayaa in uu magacaabo gudiga qaban qaabada doorashada Xildhibaanda labada aqal ee Jubbaland uga mid noqonaya gudiga guud ee doorashada Federaalka 2020/21.
A/cawaale
Halgan.net