Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

October 2, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta ah dib ugu soo laabtay Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdi ka socda Jubaland ayaa in mudo ah waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyagoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxaan kulamadaas inta badan ay ku saabsanaayeen hirgalinta hanaanka Doorashada dalka Soomaaliya 2020/21 iyo qaabka ay noqonayso oo markii danbe laga gaaray is afgarad buuxa.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xassan ee magaalada Kismaayo 2-da Madaxweyne ku xigeen ee jubbaland , Gudoonka Baarlamaanka jubbaland iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda waxaa la filayaa in uu magacaabo gudiga qaban qaabada doorashada Xildhibaanda labada aqal ee Jubbaland uga mid noqonaya gudiga guud ee doorashada Federaalka 2020/21.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online