Madaxweynaha Jubbaland oo u Hambalyeeyey Golaha deegaanka ee Degmada Afmadow

October 10, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diraygolaha Cusub ee deegaanka Degmada Afmadow oo doorashadooda maalmahan ay ka socotay halkaas isla markana maanta doortay Gudoomiyaha Degmada iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa uu Madaxweynahu amaanay dadaalka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Odayaasha dhaqanka ee howshan gacanta ku hayay iyo gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Doorasho xor iyo Xalaal ah u qabtay muwaadiniinta tartamayay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaarada iyo Gudiga Doorashooyinka oo kaashanaya dadka deegaanka ay hortaalo shaqo baaxad leh iyo dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka kale ee Jubaland taas oo wax badan la sugayay.

“ Dhamaan Degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hogaamin ay shacabku doorteen kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayntii Waxaa Madaxweynahu uu ilahay uga baryay Masuuliyiinta Cusub in uu shaqada ay Shacabka u qabanayaan uu la garab galo.

DHAMMAAAD.

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online