Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo ka hadlay Gabadh lagu dilay Boosaaso[Video]
October 25, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta Booqday Isbitaalka Weyn ee magaalada Bosaaso ,Booqashada Taliyaha ayaa waxaa ay daarnay in ay baaritaan ku sameeyaan Gabadh Yar Oo Lagu Dilay Duleedka Bosaaso, Howlwadeenada Isbitaalka weyn ee Boosaaso ayaa waxaa ay u xaqiijyeen Taliska Ciidanka Boosaaso in aysan jiri wax kufsi ah oo lagu sameeyey gabdha la dilay balse gaari uu ka jiiray madaxa
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Oo La Hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Wadaan Laamaha Amaanka Gobalka Bari Baaritaan Ku Aadan Cidii Ka Danbeesay Dilka Gabadha Waxaana Uu Shacabka Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Deganaanta Amniga Bosaaso Kana Warsugaan Inta Cadaalada La Horkeeni Doono Dadkii Falkaas Geestay.
Hoos ka Dawo shirka jaraaid Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud
Halgan.net