Wafti ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland oo kormeer Shaqo maanta uga bilawday Gobolka Mudug

October 5, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wafti ka socda wasaaraadda caafimaadka Puntland oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka wasaaradda Abdinaasir Yuusuf Xaji ayna weheliyaan agaasimaha guud iyo agaasimaha waaxda caafimaad guud ayaa kormeer shaqo maanta uga bilawday gobolka Mudug.

Waftiga ayaa kormeerkooda maanta ka bilaabay xarumaha caafimaadka ee bacaadweyn waxayna xarumaha ay booqdeen ka waraysteen shaqaalaha xaalada caafimaad iyo baahiyaha ka jira. Isxog waraysi ka dib waxay la wadaageen talooyinkooda waxayna fareen inay bulshada adeega ay uhayaan laba jibaaraan ayna xasuusnaadaan in caafimaadku yahay laf dhabarka nolosha aadanaha.

Waftigaan ayaa uga sii gudbi doona degmooyinka gobolka Mudug waxayna booqan doonaan xarumaha caafimaadka iyagoona muhiimada booqashadoodu ay tahay in la ogaado adeega wasaaraddu ugu talagashay inay bulshada gaartay, hadii ay jiraan baahiyo ka jira loo dhamaytiro.

Wasaaradda ayaa qorshaynaysa inay kor uqaado wacyigalinta iyo diyaargarowga xanuuno laga yaabo inay dilaacaan marka ay da’aan roobabka, bulshadana loogala talin lahaa inay ilaaliyaan nadaafada biyaha ay cabayaan xili roobaadka.

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online