Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la shiray ganacsatada iyo odayaasha degmada Xarfo ee gobolka Mudug.[Masawiro]
October 12, 2020 - Written by EditorXarfo:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha Guddiga tirakoobka iyo diiwangalinta ciidamada difaaca Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay maamulka degmada Xarfo, ganacsatada iyo odayaasha degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
Maamulka,ganacsataiyo odayaasha waxay ka warbxiyeen dhinacyada Horumarka arrimaha bulshada iyagoona Guddiga Wasiirka Maaliyadda dowlada Puntland Muddane Xasan Shire Cabdi ku amaanay howsha dib u habeynta ciidamada dowlada Puntland ee maraysa meesha ugu wanaagsan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa isaguna dhankiisa reer Xarfo ku amaanay sida ay uga qeybqaatan amaanka guud.
Wasiirka Maaliyadda ee dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdo ayaa maamulka iyo odayaasha reer Xarfo uga warbixiyey xaalada guud ee dalka gaar ahaan dib u habeynta ciidamada dowlada Puntland oo hada qaarkood Tababar looga furayo Dugsiga tababarka ee Gen. Tukade oo horay loogu yaqaanay Abqaale.
Wasiirka Maaliyadda Puntland u ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan shacabka ku dhaqan degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Wuxuuna sidoo kale ku ammaanay shacabka sida ay uga shaqeeyaan ammaanka guud iyo horumarka deegaanadooda.
Ugu dabeyntii Wasiirka iyo mas’uuliyinta wehelisay ayaa mar kale maanta kormeeray xerada tababarka ciidanka ee Gen.Tukade oo meel gabogabo maraysa.
no images were found
Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland