Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la shiray ganacsatada iyo odayaasha degmada Xarfo ee gobolka Mudug.[Masawiro]

October 12, 2020 - Written by Editor

Xarfo:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha Guddiga tirakoobka iyo diiwangalinta ciidamada difaaca Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay maamulka degmada Xarfo, ganacsatada iyo odayaasha degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Maamulka,ganacsataiyo odayaasha waxay ka warbxiyeen dhinacyada Horumarka arrimaha bulshada iyagoona Guddiga Wasiirka Maaliyadda dowlada Puntland Muddane Xasan Shire Cabdi ku amaanay howsha dib u habeynta ciidamada dowlada Puntland ee maraysa meesha ugu wanaagsan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa isaguna dhankiisa reer Xarfo ku amaanay sida ay uga qeybqaatan amaanka guud.

Wasiirka Maaliyadda ee dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdo ayaa maamulka iyo odayaasha reer Xarfo uga warbixiyey xaalada guud ee dalka gaar ahaan dib u habeynta ciidamada dowlada Puntland oo hada qaarkood Tababar looga furayo Dugsiga tababarka ee Gen. Tukade oo horay loogu yaqaanay Abqaale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland u ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan shacabka ku dhaqan degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Wuxuuna sidoo kale ku ammaanay shacabka sida ay uga shaqeeyaan ammaanka guud iyo horumarka deegaanadooda.

Ugu dabeyntii Wasiirka iyo mas’uuliyinta wehelisay ayaa mar kale maanta kormeeray xerada tababarka ciidanka ee Gen.Tukade oo meel gabogabo maraysa.

Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online