Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Qusulka Itoobiya u fadhiya Puntland oo gaaray Gaalkacyo.[Video/Masawiro]
June 22, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayaan Safiirka Dalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Cabdufataax Cabdulaahi Xasan, Qusulka Itoobiya ufadhiya Puntland, Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo Hawada, Ganacsato iyo Duqa Degmada ayaa soo gaaray Magaalada Gaalkacyo.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku soodhaweeyey Wafdiga Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka, Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Agaasimaha Warfaafinta Gobolka, Gudoomiye kuxigeenka Degmada iyo Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada.
no images were found
Wafdigan ay Ugu horeeyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Safiirka Dalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyey Laamiga ay ku ordaan Diyaaradaha ka kicitama Garoonka iyo kuwa soodagaya si ay uga soo dagaan garoonka Diyaarada Ethiopia Airline iyo Diyaaradaha Ganacsatada Itoobiya si loo fuliyo Heshiiska Ganacsi horay uwada galeen Xukuumada Puntland iyo Dalka Itoobiya.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA
MAAMULKA GOBOLKA MUDUG