Jadwalka Doorashadda Soomaaliya iyo Go’aamada ka soo baxay Shirka wadatashiga Doorashadda.[Video]

June 29, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada ee uga socday Muqdisho.
JADWALKA DOORASHADDA
1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)
2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)
4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)
Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:
– Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
– Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online