Maamulka Gal-Mudug oo ka hadalay weerarkii Al-shabaab saaka ku soo qaadeen deegaanka Wisil

June 27, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Kooxda argagixisada ururka A-lshabaab ayaa saakay aroornimadii hore weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisin ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku lahaayeen magaalada Wisil oo dhacda 60km dhanka Woqooyi ee magaalada Hobyo.

Qorshaha argagixisadu wuxuu ahaa in ay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada istiraatiijiga ah ee Wisil, ayna laayaan ciidamadii halkaas ku sugnaa, isla markaana ay qabsadaan gaadiidka iyo hubka saldhigaas yaallay, balse ciidamada geesiyada ah ee Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa wax kama jiraan ka dhigay riyadii argagixisada, ayadoo khasaaro xooggan iyo jab weyn uu halkaas ka soo gaaray kooxda argagixisada Al-shabaab ee halkaas soo weerartay, qiyaastiina halkaas looga dilay Kontomeeyo maleeshiyaadkooda ka mid ah.

Waxaa xusid mudan in Dawladda Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo fara badan oo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale oo gaaray nawaaxiga Wisil, kuwaasoo diyaar u ah in ay argagixisada dersi lama ilaawaan u dhigaan maalmaha soo socda.

Dawladda Galmudug waxay tacsi u diraysaa ehelada shuhadadii ku shahiiday weerarkii argagixisada ee Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, ayadoo aan u rajaynayno dhaawacyada caafimaad degdeg ah.

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online