Madaxweynaha Hirshabeele oo ka tacsi yeeyey dilkii Gudoomiyahii Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan.
June 22, 2021 - Written by EditorHiiraan:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Faarax Cabdi Cali ( Faarax Diir) Gudoomiyahii Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum faarax ahaa haldoorkii Dhalin yarada iyo isku Haye bulsho waxa uuna faray Hay’adda Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambeysay dilka Marxuumka.
Madaxweynaha waxa uu u tacsiyeeynayaa Dhamaan Eheladii Qaraabadii Asxaabtii iyo Bahda Dhalinyarada Gobolka Hiiraan ee uu kabaxay Allaha u Naxariistee Marxuumka Waxa uuna Alle uga baryay.
Janatul Fardawsa.AAMIIN AAMIIN AAMIIN
-DHAMAAD-