Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsi yeeyey geerida Taliyihii Ururka 6aad ee Ciidanka Gorgor

June 4, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u Naxariistee Taliyihii Ururka 6aad ee Guutada Gorgor Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid Faarax oo maanta ku geeriyooday deegaanka labi buroole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Marxuumka ayaa geeriyooday isaga oo gudanaya waajibaadkii ka saarna difaacida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, cadowga argagixisada ahna ka xureeyay deegaano badan.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan Qoyskii Qaraabadii Asxaabtii iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u Naxariistee Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid Faarax.

Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
-DHAMAAD-

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online