Maxkamadda sare ee ciidammada Puntland ee Gaalkacyo oo u fariisatay Dacwadda Racfaan ee 8 ka tirsanaa Amniyaadka Al-shabaab.[Video]
June 9, 2021 - Written by EditorGaalkacayo- Maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Dowladda Puntland ayaa waxaa saaka ay mar kale u fariisatay dacwadda Racfaan qaadashada ilaa 8 xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab oo horay ay Maxkamada Sare ciidamada dowladda Puntland ay xukun ugu riday siddeedaan xubnooda oo ka tirsanaa Alshabaab iyagoo ku eedaysan in ay dilal iyo qaraxyo kaler duwan ay ku laayeen haldoorkii Gobolka Mudug.
Maxkamadda Sare ee ciidamada Puntland oo u fariisatay saaka qaadista Xukunadi ay horay Darajada Koowaad ee Racfaanka Qeybtii 2aad waxaana lagu bilaabey kooxdii amniyaadka Al-shabaab ee uu hor jooge u ahaa Maxamed Xaashi.
A/cawaale
Halgan.net