Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ka dhacay Gaalkacyo.[Video/Masawiro]
June 2, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa maanta lagu qabtey shirka Amniga Gobolka Mudug oo isbuucle ah,waxaana kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahna Gudoomiyaha guddiga Amniga Gobolka,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka,Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka ee Racfaanka iyo Darajada 1aad iyo Duqa magaalada Gaalkacyo.
Waxaa shirka la iskula wadaagay xaaladihii u danbeeyey ee ka soo cusboonaaday guud ahaan amaanka Gobolka Mudug iyadoona amaro lagu xoojinayo Amniga Gobolka maadaama ay bilaabanayso Doorashada Xildhibaanada DFS in Musharaxiinta tartamaysa aysan la imaan karin Gobolka Mudug baabuurta gaashaaman ee ciidanka, taas bedelkeedana dowladu ugu talo gashay hanaan gaar u ah in lagu sugayo Amnigooda.
no images were found
Qodobadda kale oo shirka la iskula meel dhigay waxaa ka mid ah inay si toosa u bilaabatay diiwaangalinta gaadiidka taas oo qayb ka qaadanaysa Amniga iyo inaanay dib usoo laaban shaqaaqadii ka dhacday Saldhiga Degmada Bursaalax oo ay baaritaano iyo dabagal ku wado dowladu tilaabo sharci ahna laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda arintaas oo kale.
Taliska Ciidanka Gobolka Mudug
Gaalkacyo,Halgan.net