Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kormeeray xarunta lagu saxayey Imtixaankii sannad-dugsiyeedka 2020/2021

June 22, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta kormeeray xarunta ay ka socoto sixidda imtixaankii la qaaday sannad-dugsiyeedka 2020/2021ka ee magaalada Garowe.

Kormeerka ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maxamuud Siciid Caysane.
Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ayaa warbixinno dheerad ah siiyey Wasiirka Waxbarashada, isaga oo sheegay sannadkan in saxidda imtixaanka wax weyn laga beddeley, iyaga oo aqoon iyo karti u leh maamulidda imtixaanka.
Agaasimaha Imtixaanka, Caysane, ayaa sheegay in wejiyo badan uu soo marayo sixidda imtixaanku, isla markaana hadda uu marayo heerkiisa 1aad oo ah sixidda bilowga.
Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa ku hawlan tayaynta iyo kor u qaadidda hawlaha lagu hormarinayo shaqada imtixaanka, waxaan rajaynaynaa in barnaamijyo cusub lagu soo kordhiyo imtixaanka gaar ahaan hawsha imtixaan-sixidda.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dawladda Puntland ayaa dhammaan maray fasallada lagu saxayo maaddooyinka kala duwan ee imtixaanka dugsiga sare. Wasiirka ayaa dul istaagay miiska lagu saxayo imtixaanka maaddo walba.
Macallimiinta ayaa ku faraxsanaa kormeerka uu ugu yimi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland.

“Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday sannad-dugsiyeedka 2020/2021 oo ay shaqaalaha Wasaaraddu si habsami leh u wadaan dar dargelinta shaqadii loo igmaday” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, C/laahi Maxamed Xasan, ayaa ugu dambayn ku adkeeyey hubiyayaasha iyo saxayaashaba inay xil goonni ah iska saaraan hawshan. Waxa uu tilmaamay Wasiirku in ay muhiim tahay in ay si caddaalad ah uga shaqeeyaan hubinta iyo sixidda imtixaankaba, wuxuuna ugu dambayn Wasiir Cabdullaahi u rajeeyey hubiyayaasha iyo saxayaashaba guul iyo in uu Alle waafajiyo caddaaladda iyo in ay si nadiif ah u saxaan imtixaanka una hubiyaan.

Wasiirka ayaa u mahadceliyey macallimiinta imtixaanka saxaya, isaga oo ku ammaanay shaqada ay bulshadooda u hayaan ayna tahay mid xasanaad iyo ajar ay ka helayaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online