Ciidamada DFS iyo Gal-Mudug oo dib u qabsaday Camaara.[Dhagayso]

August 24, 2021 - Written by Editor

Camaara:-Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay saaka soo galeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay dadka degaanku u sheegeen idaacadda VOA.

Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka. Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna VOA u sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday camaara.

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah kusoo qaadday Camaara. Warar ay ilo kala duwan ka heshay VOA ayaa sheegaya in khasaare ka dhashay weerarka Al-Shabaab.

Horraantiii bishan ayey ahayd markii ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug ay degaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ka qabsadeen Al-Shabaab kadib guluf milatari oo toddobaadyo socday.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

VOA

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online