Guddoomiyaha Aqalka Sare oo caawa ka hadlay khilaafka ka aloosan Doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi.[Video]
August 5, 2021 - Written by EditorMuqdisho:- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa Bulshada Soomaaliyeed la hadlaya ayaa ka warbixiyey waxa uu salka ku hayo Khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan maamulka iyo madaxbanaanida Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee BFS gaar ahaan xildhibaannada Gobollada Waqooyi.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulanka uu ka hadlay waxaa ku sugnaa aqoon yahano kale duwan waxaan uu si buuxa uga haday waxa sababay khilaafka ka aloosan doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi iyo kulamo kale duwan oo uu la qaatay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu ugu danbeeyey Ra’iisul wasaare Rooble.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa yidhi: “Raiisul Wasaaruhu Afartii xubnood ee aan magacaabay intuu u yeedhay ayuu ku yidhi Doorashooyinka anigaa ka masuul ah, waa inaad doorasho gashaan haddii aad is dooran waydaanna waan idinka saarayaa, hadda isagu ma magacaabin ee ogaada” Waxa uu hadalkiisa kusii daray ” Waa hanjabaad waana arrin aan sina loo qaadan karin ”
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo in uu kaga horyimid ka dib markii ay baalmartay Dastuurka dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net