Madaxweynaha Puntland oo ka tacsi yeeyey geerida AUN Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka
August 9, 2021 - Written by EditorGaroowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.
“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.
Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.